Safiirka Soomaaliya ee Masar oo ugu baaqay hey’adaha gargaarka gobolka iyo kuwa caalamiga ah inay u gurmadaan dadka abaartu saameysay

La wadaag cid kale

Cairo-(SONNA)-Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Masar ahna wakiilka joogtadda ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Mudane Ilyaas Sheeq Cumar oo adkeenaya bayaankii shalay ka soo baxay Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo ku dhawaaqay in dalku galay xaalad bani’aadnimo oo deg deg ah ayaa war ka soo baxay maanta Xafiiska Danjire Ilyaas Sheeq Cumar waxa uu  baaq bani’aadantinimo u diray wakiiladda dalalka Carabta ee Ururka jaamacadda Carabta, hay’adaha gargaarka gobolka iyo kuwa caalamiga ah, si ay ugu gurmadaan dadka ku dhibaataysan soomaaliya ee ay saameysay abaarta.

Danjire Ilyaas Sheeq Cumar ayaa sheegay in dhibaatada ba’an ee xilligan ka jirta Soomaaliya ee ka dhashay abaaraha ay horseedi karto musiibo bini’adanimo isagoo ka codsaday cid walba in soomaaliya aan lagu fiirsan duruufta adag ee ay ku jirto waxaana uu ka dalbaday in gurmad degdeg ah lala gaaro dadka ku dhibaataysan abaarta ku dhufatay qaar kamid ah goboladda soomaaliya.

Danjire Ilyaas Sheeq Cumar Wakiilka Soomaaliya ee Ururka Jaamacadda Carabta ayaa dedaal xoogan ugu jira iney gurmad helaan qaar kamid ah shacabka soomaaliyeed ee ku dhibaataysan abaaraha.

La wadaag cid kale