Ruushka oo xukun dil ah ku ridday 3 ajaanib oo lagu qabtay dagaalka ka socda Ukraine

La wadaag cid kale

Maxkamad ku taal bariga Ukraine oo ay maamulaan Ruushka ayaa dil dil toogasho ah ku xukuntay nin u dhashay dalka Marooko iyo laba British ah,kadib maarkii la qabtay iyagoo ka dagaalamaya gudaha Ukraine .

Brahim Saaudun oo Marookaan ah iyo Aiden Aslin iyo Shaun Pinner oo British ah ayaa lagu eedeeyay inay calooshood u shaqeystayaal ahaayeen, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Ruushka.

Maxkamadda, oo aan si caalami ah loo aqoonsan, ayaa ku taal Jamhuuriyadda Donetsk ee taageersan Ruushka.

Ingiriiska iyo Ukraine ayaa cambaareeyay xukunnada ku saabsan jebinta shuruucda caalamiga ah ee lagu ilaalinayo maxaabiista dagaalka.

La wadaag cid kale