Ra’iisul wasaarihii dalka Sweden oo is casishay 24 saac kadib magacaabisteeda

La wadaag cid kale

Stockholm-(SONNA)-Ra’iisul wasaaraha Sweden Magdalena Andersson ayaa istiqaaladeeda dhiibtay 24 saac kadib magacaabisteeda baarlamaanka, kadib markii ay ku guuldareysatay inay meelmariso sharciga miisaaniyada ay xukuumaddeedu ku shaqayn lahayd. Waxaana ay weysay aqlabiyadda baarlamaanku diiday. Gaar ahaan waxaa riday xisbiga cagaaran Miljöpartiet.

7 saacadood oo keliya ayey xilka haysay. Kolkii Ra’iisul wasaarihii hore is casilay ayaa iyada loo doortay inay dhammayso muddo xileedda xisbigeeda Social Democratic oo ku siman Sebtembar 2022.

“Waxaa jirta caado dastuuri ah oo ah in dowlad wadaag ah ay is casisho haddii xisbi uu ka baxo,” Anderson oo ka tirsan xisbiga Social Democratic Party ayaa ku yiri hadal uu siiyay suxufiyiinta.

Waa markii ugu horreysay ee gabadhi ay ra’iisul waasare ka noqoto dalka Sweden.

 

La wadaag cid kale