Ra’iisul wasaare Rooble oo kulan la qaatay Safiirka midowga Yurub ee Soomaliya

La wadaag cid kale

Muqdisho(SONNA):-Ra’iisul Wasaaraha XFS mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka cusub ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Tina Intelmann,

Safiirka iyo Ra’iisul wasaaraha ayaa kulankooda waxay ka wada hadleen mashaariicda horumarineed ee Midowga Yurub ka taageero Soomaaliya iyo horumarrada laga sameeyey geeddi socodka doorashooyinka dalka ee uu hormuudka ka yahay Ra’iisul Wasaaruhu.

La wadaag cid kale