Ra’iisul wasaare Rooble oo hambalyo u diray Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

La wadaag cid kale

Muqdisho(SONNA):-Waxaan ugu hambalyeynayaa sarreeyeyaasha, Saraakiisha, Saraakiil Xigeennada, Dableyda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo qoysaskooda sanad guurada 62aad ee ka soo wareegtay markii la aasaasay CXDS.

Ciidanka Xoogga Dalku waa astaanta qaranka ee geesnimada iyo nafhurnimada, waana kuwa habeen iyo maalin dhaxanta iyo kuleylaha u taagan, dhiiggoodana u daadiya in ay dalka iyo dadkaba ka difaacaan cadowga gudaha iyo dibadda.

Ciidanka Xoogga Dalka waxaan ku bogaadinayaa howsha adag ee uu qaranka u hayo waxaanna u rajeynayaa guulo joogto ah, anigoo ku boorrinaya in uu sii laba jibbaaro dadaalka difaaca qaranka iyo la dagaallanka argagixisada.

La wadaag cid kale