Ra’iisul wasaaraha XFS oo qaabilay guddoomiyaha ururka ONLF

La wadaag cid kale

Muqdisho-(SONN)-Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa qaabilay Guddoomiyaha ururka ONLF Cabdiraxmaan Maxamed Mahdi iyo xubno ka tirsan ururka, kuwaas oo Ra’iisul Wasaaraha uga mahadceliyay go’aankii ay xukuumaddiisu ONLF uga saartay liiska argagixisada oo horay si aan sharci ahayn loogu daray.

dhanka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo xafiiskiisa ku qaabilay fannaanka Iidle Cabdullaahi Nuune (Iidle Yare) ayaa u rajeeyay caafimaad deg deg ah, una ballan qaaday in uu gacan ka geysan doono sidii uu u heli lahaa daryeel caafimaad.

 

La wadaag cid kale