Ra’iisul wasaaraha XFS oo kulan la qaatay Guddiga Doorashooyinka Beelaha Banaadiriga

La wadaag cid kale

Muqdisho-(SONNA)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay Guddiga Doorashooyinka Beelaha Banaadiriga oo uu kala hadlay arrimaha doorashooyinka iyo u diyaar garowga qabashada doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka ee Beelaha Banaadiriga.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u ballan qaaday Guddiga Doorashooyinka Beelaha Banaadiriga in uu ka taageerayo sidii ay howshooda u gudan lahaayeen.

La wadaag cid kale