Ra’iisal Wasaaraha XFS oo cambaareeyey Qaraxii argagixisadu la beegsadeen maqaaxi lagu shaaho

La wadaag cid kale

Muqdisho-(SONNA)-Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane, Maxamed Xuseen Rooble ayaa cambaareeyey Qaraxii Argagixisadu ku beegsadeen Maqaaxi shaaha lagu cabo.

“Waxaan cambaareynayaa qaraxii  maanta argagixisada Al-shabaab la beegsadeen maqaaxi ku taalla degmada Wadajir, kaas oo dhaliyay khasaare dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad aan waxba galabsan”.

Allaha u naxariisto intii dhimatay eheladoodiina samir Allaha ka siiyo inta dhaawacantayna Allaha u boogo dhayo.

Falkan bahalnimada ahi waxaa uu muujinayaa sida argagixisada Al-shabaab  ay ugu qabaan daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed si aan kala sooc lahayn, taas oo khasab ka dhigeysa in aan isu kaashanno la dagaallanka argagixisada.

 

La wadaag cid kale