Laba qarax oo ay dad ku dhinteen oo ka dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose

La wadaag cid kale

Muqdisho(SONNA):-Qof naftiisa haligay ayaa goordhow isku qarxiyey masuuliyiin ka tirsan maamulka degmada Marka ee gobolka Shabeellada Hoose iyo dad shacab ah, xilli ay ku sugnaayeen afaafka hore ee xarunta degmada.

Guddoomiyihii degmada Marka Cabddullaahi Cali Axmed Wafoow iyo ugu yaraan afar qof oo kale ayaa naloo xaqiijiyey inay ku geeriyoodeen qaraxaas, waxaana jira dhaawacyo kale.

Dhanka kale qarax miino ay isna maanta ka dhacay suuqa xoolaha ee degmada Afgooye Gobolka Shabeellaha Hoose ,halaksi oo uu ka jiray Mashquul aad u fara badan

Goobjoogayaal ayaa xaqiijiyay in qaraxasi ay ku dhinteen ilaa 7-qof halka 14-kalana ay ku dhawacmeen,waxa goobta uu qaraxa ka dhacay gaaray ciidamada Amniga oo u gurmaday dadka ay dhibaatadu gaartay

La wadaag cid kale