Puntland oo xoojineysa amniga doorashada golaha deegaanka+Sawirro

La wadaag cid kale

Muqdisho.(SONNA):– Guddoomiyaha Gobolka Bari  Cabdisamad Yuusuf Maxamed Abwaan, ayaa maanta shir guddoomiyey shirka todobaadlaha ee looga hadlayay amniga gobolka Bari.

Shirka ayaa waxaa looga hadlay xoojinta amniga guud ee Gobolka, waxa la joojiyey isku socodka gaadiidka ilaa inta ay socoto doorashada golaha deegaanka degmada Ufeyn, waxana sidoo kale laga hadlay la dagaalkan kooxaha nabad-diidka ah ee Shabaab iIyo Daacish.

Waxa ka soo qeyb galay shirka taliyaha qeybta Booliska Gobolka Bari, Guddoomiyaha Degmada Bosaaso, Iyo saraakhiisha kala duwan ee laamaha amaanka Gobolka Bari.

La wadaag cid kale