Nin ka soo goostay Al-Shabaab oo lagu soo bandhigay Garbahaarey

La wadaag cid kale

Muqdisho (SONNA)-Taliska ciidanka Nabad-sugidda iyo sirdoonka qaranka ee gobolka Gedo ayaa magaalada Garbahaarey ku soo bandhigay Cabdicasiis Maxamuud Diiriye oo 12-kii sano ee lasoo dhaafay ka tirsanaa Argagixisada Al-Shabaab.

Cabdicasiis ayaa ka soo goostay kooxda Alshabaab, kadib markii uu u adkeysan waayey xaalada ay ku suganyihiin, wuxuuna isku soo dhiibay gacanta dowladda, gaar ahaan ciidanka qaranka ee ka howlgala gobolka Gedo.

Ninkaan oo ka mid ahaa dhalinyarada markii hore la marin-habaabiyey ayaa sheegay inuu ku baraarugay fikirka gurracan ee kooxdaas Nabadiidka ah ay ku qaldaan bulshada.

 

La wadaag cid kale