Midowga Yurub oo wax laga Argagaxo ku tilmaamay xabaalo wadareedo laga helay magaalada Izyum

La wadaag cid kale

Muqdisho(SONNA):-Madaxa Siyaasadda Dibedda Josep Borrell ayaa wax aad looga murugoodo ku tilmaamay xabaalo wadareedo laga helay magaalada Izyum oo dhowaan Ciidanka Ukraine ka qabsadeen kuwa Ruushka.

Josep Borrell ayaa ugu baaqay Dowladda Ruushka in ay joojiso falalka ka baxsan Bini’aadanimada ee ay geysanayso.

Magaaladdan ayey Masuuliyiinta Ukraine ka heleen xabaal wadareedo tirada meydadka laga helay lagu sheegay 440 mayd.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa Jimcihii sheegay in meydadka laga helay xabaalo wadareedyo ku yaal magaalada Izyum ay wataan calaamado jirdil ah

La wadaag cid kale