Wasiirka Beeraha oo Qaabilay Madaxa IGAD u qaabilsan ilaalinta Deegaanka

La wadaag cid kale
Muqdisho (SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Mudane Saciid Xuseen Ciid ayaa Wasaaradda ku soo dhaweeyay Lataliya Sare Dr. Cali Daa’uud oo ah Madaxa IGAD u qaabilsan xarunta la qabsiga cimilada iyo Ilaalinta deegaanka  (IGAD Centre of Excellence for Climate Adaptation & Environmental Protection) oo ay wehliyaan mudane Axmed Yuusuf Agaasimah Guud ee ba’ada xafiiska Ra’isul Wasaaraha iyo Dr. Cabdulqani Raage Barrow, Xiriiriyaha Mashruuca Yaraynta Dhuxusha.

Mas’uuliyiinta ayaa ka wada hadlay xoojinta dhinacyada iskaashiga iyo wada-shaqeynta si kor looggu qaado fursadaha loo abuurayo Beeralayda, sidoo kale mas’uuliyiinta ayaa kormeeray xarunta cusub ee la qabsiga Cimilada iyo ilaalinta Deegaanka ee IGAD ee dhawaan xariga laga jaray, taasoo loogu adeegi doono Dadka Soomaaliyeed iyo wadamada dariska.

Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS, waxa ka go’an inay si dhow u la shaqeyso isla-mar-ahaantaana ay dhiirigelin iyo taageeraba u samayso xarumaha hal abuurka ee Dalka.

    

La wadaag cid kale