Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geerida Xildhibaan Maxamed Mursal Booroow

La wadaag cid kale

New York-(SONNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan  Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyskii, qaraabadii iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Xildhibaan Maxamed Mursal Boorow oo  ka tirsanaa Golaha Shacabka ee Baarlamaanka JFS.

“Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Waxaan u tacsiyaynayaa qoyskii, qaraabadii iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Marxuum Maxamed Mursal Boorow. Marxuumku muddo dheer ayuu u soo adeegayey Qaranka Soomaaliyeed”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Eebbe uga baryay Marxuumka in uu naxariistiisa Janno ka waraabiyo, qoyskiisa iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodeyna samir iyo iimaan ka siiyo.

Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun

La wadaag cid kale