Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle oo faray wasiiradda cusub inay wax qabad la yimaadan

La wadaag cid kale

Jowhar-(SONNA)-Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar ayaa maanta xilalka u kala wareejiyay Wasiiradda Wasaaradaha  Maaliyada, Waxbarashada, Caafimaadka, Cadaalada, Haweenka Qorsheynta, Gaadiidka, Gargaarka, Boostada iyo Dib u Heshiisiinta.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa uga mahadceliayay wasiirada maanta xilka wareejiyay, waxa uuna ku bogaadiyay dadaalka ay sameeyeen mudadii ay xilka hayeen.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa wasiiradda cusub ee maanta xilalka la wareegay kula dardaarmay inay waxtar muuqda la yimaadaan oo ay ka shaqeeyaan horumarka iyo wadajirka dadkeena kordhiyaana shaqada ay dowladda u hayaan.

La wadaag cid kale