Madaxweynaha Ukraine oo  gaaray deegaanka Kharkiv ee magaalada Izyum

La wadaag cid kale

Izyum(SONNA):-Madaxweynaha Ukraine oo  gaaray deegaanka Kharkiv ee magaalada Izyum kadib markii uu dalkaasi dib ugala wareegay ciidamada Ruushka,Ka hor booqashada Zelenskyy, ciidamada Ukraine ayaa aad u adkeeyey ammaanka magaalada Izyum.

Zelenskyy, oo booqday magaalada ayaa ka qayb qaatay sugidda calanka Ukraine oo la hor dhigay dhismaha golaha deegaanka ee magaalada Izyum.

Isaga oo ka jawaabaya su’aalo saxaafadda la weydiiyey xafladda ka dib, waxa uu khudbad u jeediyey muwaadiniinta Crimea, oo Ruushku si sharci-darro ah ugu daray 2014-kii.

“Farriintayda (muwaadiniinta Crimea) waa inaan imaan doonno,” ayuu yiri Zelenskyy, isagoo sheegay in dadka deggan Crimea ay la kulmeen murugo weyn siddeeddii sano ee la soo dhaafay, halka Kyiv aysan ka walaacsanayn dacaayadda laga sii daayay telefishinnada Ruushka. .

La wadaag cid kale