Madaxweynaha Puntland oo kulan gaar ah la qaatay saraakiisha ciidanka Asluubta

La wadaag cid kale

Muqdisho(*SONNA):-Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay saraakiisha ciidanka Asluubta ee Maamulka  Puntland.

Madaxweynaha ayaa ka dhegaystay Saraakiisha warbixin ku saabsan shaqada socota, gaar ahaan xaaladda Xabsiyada, iyo maxaabiista, wuxuuna faray in ay sii dardargeliyaan shaqada ay bulshada u hayaan.

La wadaag cid kale