Madaxweynaha Jubbaland oo dhambaal hamlyo ah u diray Ra’iisul Wasaaraha cusub ee XFS

La wadaag cid kale

Kismaayo-(SONNA)-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Hambalyo u diray Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xamze Cabdi Barre oo xalay uu xilkaas u magacaabay Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Mudane Axmed Madoobe ayaa ku tilmaamay Mudane Xamze Cabdi Barre in uu yahay shaqsi hufnaan iyo karti u leh gudashada xilka Cusub ee loo magaacay, isla markana lagu xusuusto shaqooyinka wanaagsanaa ee uu dalka kasoo qabtay, isagoo wakhtigiisa iyo naftiisa u huray shaqooyinka waa weyn oo uu ugu adeegayay bulshada Soomaaliyeed wakhtiyo kala duwan.

La wadaag cid kale