Madaxweynaha Hirshabeelle oo kulan la qaatay Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya.

La wadaag cid kale
Muqdisho (SONNA)-Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maantay kulan la qaatay Danjiraha Dowladda Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Larry André.
Madaxweynaha Hirshabeelle iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay xaaladaha guud ee dalka gaar ahaan amniga, howlgalada lagu baacsanayo argagixisada ee socda deegaanada Hirshabeelle, gurmadka abaaraha iyo kor u qaadida mashaariicda horumarinta ee Hirshabeelle.
La wadaag cid kale