Madaxweynaha Galmudug Oo Magacaabay Labo Wasiir

La wadaag cid kale

Muqdisho (SONNA)-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa Wasaaradda Qorsheynta iyo Horumarinta Dhaqaalaha u magacaabay mudane Axmed Cali Maxamed, Sidoo kale wuxuu u magacaabay Wasaraadda Dhallinyarada iyo Isboortiga mudane Cumar Sheegow Maxamed.

Magacaabista ayaa ka dambeysay kadib markii uu Madaxwaynaha Galmudug latashaday Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug, waxaana uu faray cidda ay quseyso inay la shaqeeyaan Wasiirada Cusub ee uu magacaabay.

La wadaag cid kale