Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland oo Magacaabay Wasiiro

La wadaag cid kale

Muqdisho(SONNA):-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa magaacabay wasiiro iyo ku xigeeno iyadoo la isku badalay Wasaaradaha qaar si loo dardar galiyo shaqada loo hayo bulshada.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Jubbaland ayaa waxaa lagu magacaabay laba Wasiir iyo laba Wasiir kuxigeen, kuwaas oo kala ah.

1: Cabdiraxman Cabdi Axmed Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah.

2: Axmed Xasan Cumar Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta musiibooyinka.
1: Faarax Mukhtaar Daa’uud Wasiir ku-xgeenka Wasaaradda Qorsheynta & Xiriirka Caalamiga ah.

  1. Maxamed Cusmaan Jaamac Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gargaarka & Maareynta Musiibooyinka

 

La wadaag cid kale