Madaxda Galmudug oo soo dhoweeyay dhallinyaro u heelan hormarinta Sportiga ee gobolkaasi

La wadaag cid kale

Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Shaacir sheegoow Maxamed iyo Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud Cilmi Cali cabdi ayaa magaalada Dhuusamareeb kusoo dhaweeyay wafdi u badan khurbajoog oo halkaasi u tagay ka qeybqaadashada hormarinta iyo taageeridda Sportiga ee Galmudug.

Wafdigaasi  oo galinkii dambe ee shalay kormeerey garoonka cayaaraha oo dib u habeyn balaaran lagu sameeyey waxa ay soo indha-indheeyeen qaybaha uu garoonku ka kooban yahay, iyagoo si weyn u muujiyey sida ay ugu farax sanyihiin howsha balaaran ee garoonkan laga qabtey iyo sida ay diyaarka  ugu yihiin dhameystirka qaybaha  dhiman oo ay kujiraan helida agabka Sports-ka ee kooxuhaha.

Wasiirka , Gudoomiyaha Gobolka iyo xubnihii kale, waxa ay ka wadahadleen  dadaalada socda ee horumarinta ciyaaraha Galmudug sida qorsheyaasha isku dubariddida kooxaha ka dhisan Galmudug, dhismayaasha garoomada, dardar galinta tartamada kala duwan ee Kubadda iyo arrimo kale.

Wafdiga oo ay kala hoggaaminayeen, Cabdullahi maxamud xirsi gudoomiyaha dhalinyarada  xiriika kubada cagta soamalia, Maxamad macalin Gudomiyaha dhaqanka iyo sportga qurbajogta soomaaliya iyo macaln Muse maxamad naasir madaxa qaybta ciyaaraha ee  jamacada ummada,waxaa  lagu wadaa in ay ka qeybgalaan daawashada tartanno dhinaca orodka ah iyo bixinta koobab ay hore u diyaariyeen xiriirka cayaaraha Galmudug.

La wadaag cid kale