Maamulka Gobolka Mudug oo ku raad jooga Dad dil iyo dhaawac ka geeystay degaan hoostaga Bandiiradleey

La wadaag cid kale

Muqdisho(SONNA):-Maamulka Gobalka Mudug oo gacan ka helaya ciidamada nabad sugida iyo Booliiska gobalka Mudug oo maal-mahaanba waday dadaalo la xariira sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa shaqsiyaad ku eedeeysnaa dil dhawaan ka dhacay deegaano hoostaga dagmada Bandiiradleey ayaa soo xir xiray ku dhawaad 10 ruux kuwaas ah  ehelada eedeeysanayaasha loo heysto dilka kadib markii ay baxsadeen eedeeysanayaashii Falkaas geystay.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Ahmed Bukhaari oo isagu horkacayay howlgalkaan ayaa ku amaanay ciidanka amniga dadaalka ay muujiyeen isagoo sidoo kalana sheegay in maamulka gobalku uusan marnaba ka hari doonin cid kasta oo ku lug leh falkaan iyo wixii la mid ah .

Gudoomiyaha  ayaa ugu danbeyna ugu baaqay shacabka gobalku ineey kala shaqeeyaan maamulka iyo hay’adaha Amniga sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa eedeeysanayaasha.

 

La wadaag cid kale