Maamulka Gobolka Banaadir oo kormeer dhiirogalin ah ugu tagay ciyaartowda gobolka

La wadaag cid kale

MUQDISHO-(SONNA)-Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Cali Cabdi Wardheere (Cali-Yare)  oo ay wehliyaan agaasimaha guud ee arrimaha Bulshada gobolka Banaadir Maxamed Axmed Cantoobo  iyo guddoomiyaha ciyaaraha gobolka Banaadir Xasan Wiish, ayaa kormeer ugu tagay  Ciyaartoyda Xulka Kubadda cagta gobolka Banaadir  Hotelka ay magaalada Muqdisho ka degan yihiin.

Guddoomiyaha ciyaaraha ee gobolka Banaadir ayaa guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda Maamulka gobolka Banaadir uga warbixiyay xaalada  guud ciyaaryahanada ee diyaar garowga kulamada ugu dambeeya ee tartanka kubadda cagta ee maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir gaar ahaan kulan ay la ciyaarayaan xulka Koonfur Galbeed.

Guddoomiye ku xigeenka amniga maamulka gobolka Banaadir Mudane  Cali Cabdi Wardheere (Cali-Yare), oo  macallimiinta iyo ciyaartoyda la hadlay ayaa dhiirigelin wanaagsan  u sameeyay waxaana ku booriyey dadaalka adag ee ay ku jiraan iyo sida ay diyaar ugu yihiin inay difaacan sumcadda gobolka Banaadir.

Guddoomiye ku xigeen amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir, ayaa ciyaaryahanda xulka gobolka Banaadir u ballan qaaday in maamulka gobolka banaadir ay abaalmarin doonan lana garab taagan yihiin dhiirogalin iyo taageero buuxda.

 

 

La wadaag cid kale