Kooxda reer holand Ajax oo 2-0 ku garaacday dhigeeda Beşiktaş

La wadaag cid kale

Muqdisho(SONNA):-Kooxda reer Holland ee Ajax ayaa 2-0 ku garaacday Beşiktaş Champions League laba gool oo qeybtii hore ah oo ay dhaliyeen Steven Berghuis iyo Sebastian Haller, taasoo dharbaaxo weyn ku noqotay rajadii kooxda Istanbul ee u soo bixitaanka wareega xiga.

Ajax oo afar jeer ku guuleysatay horyaalnimada Yurub ayaa haatan dhalisay 7 gool labadii kulan ee Champions League xilli ciyaareedkan kaddib markii ay 5-1 ku mareen Sporting Lisbon laba toddobaad ka hor caasimadda Portugal. Halka Beşiktaş aysan weli xaqiijin wax dhibco ah Group C.

La wadaag cid kale