Ismaaciil Maxamed oo ka mid noqday musharixiinta u taagan xildhibaanada magaalada Columbus.

La wadaag cid kale

Ismaaciil Maxamed oo ah nin dhallinyaro ah oo Soomaaliyeed ayaa sheegay in uu u taagab yahay tartanka doorasho ee loo galayo xildhibaanka degmada 3-aad ee magaalada Kolombo ee gobolka Ohaayo.

Musharaxaan ayaa xaqiihiyay in uu doonaya in uu noqdo xildhibaanka degmada 3-aad  ee ay ku badan yihiin dadka Sooaaliyeed,isagoo intaa ku daray in uu taagero wanaagsan ka heysto qeybaha bulshada ee ku dhaqan halkasi.

Qaar ka mid ah dadka Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay taagero buuxda u hayaan musharaxaasi Soomaaliga ah,waxayna ku dhiirigaliyeen in uu ciyaaro doorka kaga aadan tartanka degmada 3-aad ee magaalada Kolombas.

Tartanka loo galayo xildhibaanka degmadaasi ayaa lagu wadaa in uu halkaasi ka bilowdo 6-da bisha Julay ee soo socota,iyadoo musharaxaan Soomaaliga ah ,aytaageero u muujiyeen xubno ka tirsan xisbiga Dimoqraadiga oo uu ugu horeeyo Donaty Charles.

La wadaag cid kale