Isma badali doono Shiinaha oo mid ah iyo dib ugu soo noqoshada Taiwan ee Dhulka hooyo

La wadaag cid kale

SONNA (MUQDISHO)– Kadib aasaaskii jamhuuriyadda dadka Shiinaha ee October 1,1949, kursiga Shiinaha ee Qaramada Midoobey waxaa weli qaab sharci darro ah ugu fadhiyey kooxda uu shacabka Shiinuha iska ceyriyey ee Chiang Kai-shek.

Xukuumadda jamhuuriyadda dadka ee Shiinaha waxaa ay dadaal dheer, oo aan kala go’ laheyn u gashay sidii ay dib ula soo laaban laheyd kursigeeda sharciga ahaa ee Qaramada Midoobey.

1971, kalfadhiggii 26-aad ee jimciyadda qurumaha ka dhaxeysa ayaa lagu ansixiyey qaraarka 2,758 oo dhigayey “ Soo celinta dhammaan xuquuqdii jamhuuriyadda dadka ee Shiinaha iyo ergada xukuumadeeda oo loo aqoonsaday kuwa sharciga ah ee Shiinaha ku matala Qaramada Midoobey iyo in si degdeg ah looga ceyriyo ergada kooxda Chiang Kai-shek meelihii ay sharci darrada ku joogeen ee qaramada midoobey iyo ururada xiriirka la leh.

Soo celinta kursigeeda ee Qaramada Midoobey waxaa ay guul u aheyd Shiinaha, waxaa kale oo uu guul u aheyd dowladaha dunida saddexaad iyo dalalka kale oo cadaalad la aheyd qadiyaddan. Gaar ahaan Soomaaliya iyo dalal badan oo Afrikaan ah ayaa gacan muhiim ku lahaa guushan iyada oo madaxweynaha Shiinaha Mao Zedong uu mar yiri “Walaalaheen Afrika ayey ahaayeen kuwii Shiinaha kusoo celiyey Qaramada Midoobey”. Codka Shiinaha ee Qaramada Midoobey waxaa mar walba lagu garab istaagaa dalalka soo koraya.

Shiinaha oo mid ah waa mabda’a aasaasi u ah xiriirka dowliga ah, waa mid ay si guud isugu raaceen beesha caalamka. Nuxurka mabda’a Shiinaha midka ah waa inuu hal Shiino ka jiro dunidan, Taiwanna ay tahay qeyb aan ka go’i karin dhulka Shiinaha halka xukuumadda jamhuuriyadda dadka ee Shiinaha ay tahay xukuumadda keliya ee sharciga ah ee matasha guud ahaan Shiinaha.

Ilaa iyo hadda, iyada oo laga duulayo mabda’a Shiinaha midka ah, ilaa 181 dal oo dunidan hareeraheeda ah, oo ay ku jirto Mareykanka ayaa sidaasi kula sameeyey xiriir diblomaasi ah.

1979, Mareykanka waxaa ay ballanqaad rasmi ah ku sameysay warmurtiyeed labogeesood ah oo Shiinaha iyo Mareykanka ay ku yeesheen xiriir diblomaasiyadeed, kaas oo ahaa“Mareykanka waxaa uu aqoonsanyahay xukuumadda jamhuuriyadda dadka ee Shiinaha in ay tahay midda keliya ee sharciga ah ee ka jirta Shiinaha. Iyada oo taasi laga duulayo shacabka Mareykanka waxaa uu xiriir ganacsi, dhaqan iyo qaar kale oo aan rasmi aheyn la yeelanayaa shacabka Taiwan.”

August 2, afhayeenka Congress-ka Mareyanka Nancy Pelosi ayaa booqatay gobolka Shiinaha ee Taiwan iyada oo iska indho-tireysa diidmada iyo ishortaagga Shiinaha. Booqashadan waxaa ay meel kudhac ku tahay mabda’a Shiinaha midka ah iyo warmurtiyeedyadii saddexda ahaa ee ay galeen Shiinaha iyo Mareykanka

Pelosi waa afhayeenka iminka ee Congress-ka Mareyanka, booqashadeeda Taiwan qaab marmarsiyo ama wax kasta oo ay doonto ha ahaatee, inta ayba xafiiska joogto waxaa ay ka dhigan tahay daandaansi siyaasadeed oo kor loogu qaadayo heerka falgalka rasmiga ah ee ka dhaxeeya Mareykanka iyo Taiwan. Tani waa meel ka dhac khatar ku ah mabda’a Shiinaha midka ah iyo heshiisyadii saddexda ahaa ee u dhaxeeyey Shiinaha iyo Mareykanka kaasi oo ay ku dhaqaaqday dowladda Mareykanka.

Waxaa ayna dharbaaxo ku tahay aasaaskii siyaasadeed ee xiriirka Shiinaha iyo Mareykanka. waana ku xadgudub cad oo la xiriira qarannimada iyo bedqabka dhuleed ee Shiinaha iyada oo wiiqeysaa nabadda iyo xasiloonnida marinka Taiwan, waxaa uuna dhambaal u ah “Madaxbannaanida Taiwan” u dirayaa kooxaha xoogagga gooni u goosadka.

Rabitaanka dadka deggan labada daan ee marinka Taiwan waa Shiine mid ah iyo Taiwan oo ah qeyb aan ka go’i karin dhulka Shiinaha. Inkasta oo labada dhinac ay siyaasad ahaan isaga soo horjeedaan, hadana ma dhicin kala qeybinta qarannimada iyo bedqabka dhuleed ee Shiinaha. Mas’allada Taiwan waa arrin khuseysa gudaha Shiinaha, waa xaaladda dhabta ah ee hadda ka jirta marinta Taiwan, waana xaalad hadda ah oo aan abid is badaleyn taariikh ahaan iyo mustaqbalkaba.

Iyada oo laga jawaabayo daandaansiga siyaasiga ah ee weyn ee ka dhashay booqashadaas, Shiinaha waxa uu qaadi doonaa dhammaan tallaabooyinka sida aadka ah lagama maarmaanka ugu ah taageeridda, qarannimada iyo bedqabka dhuleed iyada oo Mareyanka iyo kooxaha gooni ugoosadka “Madaxbannaanida Taiwan “ ay qaadi doonaan cawaaqib xumida ka dhalata arrinkaas.

Marka la eego xaaladaha isbadallada dunida haatan ka socda, Mareykanka waa uu xoojiyaa ahmiyadda ay leedahay ilaalinta qarannimada iyo bedqabkeeda dhuleed laakin marka la joogo mas’aladda Taiwan, waa ay isku dhererisaa, kana tallaabtaa khadka cas ee ka yaala Shiine mid ah.

Waxaa la gudboon Mareykanka in ay is xisaabiso, in ay u dhaqmeyso labo wejiilennimo iyo in kale, in marka la joogo mas’aladda Taiwan ay si dhab ah u ixtiraamto qarannimada iyo bedqabka Shiinaha, ayna ixtiraamto dareenka iyo karaamada 1.4 billion oo Shiino ah.

Mas’aladda Taiwan waa midda ugu xasaasisan ee uu ku qotomo xiriirka Shiinaha iyo Mareyaknka. Shiinaha iyo Mareykanka waa labo dal oo muhiim ah, waddada saxda ah ay ee ku wada dhaqmaan waxa keliya ay noqon kartaa ixtiraam labogeesood ah iyo wada noolaanshiyo nabadeed, in laga fogaado isku dhac iyo in laga shaqeeyo guul labo-geesood ah.

Dhanka Shiinaha waxaa ay si xooggan Mareykanka ugu boorinayaan inuu joojiyo ku cayaarista kaarka Taiwan ee ka dhanka ah Shiinaha, in ay joojiso faragelinta arrimaha gudaha ee Shiinaha iyada oo usii mareysa faragelinta mas’aladda Taiwan, joojinta taageerada iyo gacan raaricista kooxaha gooni u goosadka ee raadinaya “Madaxbannaanida Taiwan” qaab kasta ha ahaatee, joojinta inuu mas’aladda Taiwan uga hadlo ama u socdo qaab ka duwan sida caadiga ah, inuu mugdi geliyo ama wax aan jirin kasoo qaado mabda’a Shiinaha midka ah. Waa in dhanka Mareykanka uu ixtiraamo mabda’a Shiinaha midka ah iyo qodobadda ku jiray bayaannadii saddexda ahaa ee u dhaxeeyey Shiinaha iyo Mareyanka iyada oo la qaadayo tallaabooyin la taaban karo, waana in aanu ku socon waddo khatar ah oo qaldan.

Mowqifka xukuumadda iyo Shacabka Shiinaha ee qadiyadda Taiwan  waa mid aan isbadaleyn, in si aad ah loo ilaaliyo qarannimada iyo bedqabka dhuleed ee Shiinaha waa rabitaanka aan guurin ee in ka badan 1.4 billion oo Shiino ah. Xaqiijinta midnimada dhameystiran ee dalka hooyo waa hanka iyo ku adkeysiga dhammaan dadka Shiinaha. Marka laga soo tago cidda booqaneysa Taiwan, arrintaasi waxba kama badaleyso midda beesha caalamka isku raacsan tahay ee Shiino oo mid ah, waxna kama badaleyso rabitaanka taariikhiga ah sida ay laga maarmaan u tahay in Taiwan ay dib ugu soo noqoto dalka hooyo.

Ma keento wax shacbiyad ah faragelinta arrimaha gudaha ee dalalka kale, iskudey kasta oo la xiriirta in lagu cayaaro kaarka Taiwan waxaa ay natiijada noqon doontaa mid fashil ku dhamaata, kuwa dabka ku cayaara waxaa ay khatar ugu jiraan in ay naftooda gubaan.

Waxaan hubaa in Shiinaha uu heli doono taageerada iyo isfahamka joogtada ah ee Soomaaliya iyo dalalka kale ee Afrika inta ay ku jirto waddada ay ilaalineyso qarannimadeeda iyo bedqabkeeda dhuleed, ayna diideyso faragelinta shisheeye, xaqiijinta dib u mideynta dalkeeda.

Marka laga soo tago sida ay wax noqdaan xaaladdan, Shiinaha waxaa uu awood iyo kalsooni u heystaa inuu si adag u difaaco qarannimadiisa iyo bedqabkiisa dhuleed, waxaa ay shacabka Shiinuhu arki doonaa dib usoo nooleynta arrinkaas.

La wadaag cid kale