Iran oo ka walaacsan shirka Vienna

La wadaag cid kale

Vienna (SONNA):-Xilli galin kii dambe shalay la soo gabagabeeyay wareegii labaad  wada hadaladii ka socday Vienna, kuwaas oo ku saabsanaa heshiiskii Nukliyeerka Iran, ayaa Wararka soo baxayaa tibaaxayaan walaaca iran ka qabto wada hadalkan.

Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibedda Iiraan oo la hadlayay warbaahinta, shalay gababnimadii ayaa carabka ku adkeeyay in halis badan ay ku hor gudban tahay guusha xal laga gaadho wada hadalada, isagoo intaa ku daray in ay muhiim tahay  in la fahmo mawqifka Iiran ee heshiiskan.

Wakiilka Midowga Yurub u qaabilsan wada xaajoodka Joseph Borrell, ayaa yiri “wax aan og nahay in  hawshu aysan ahayn mid fudud.

Joseph Borrell, ayaa  xusay in koox saddexaad oo khubaro ah lagu biirin doona shirkan, si ay wax uga qabtaan arrimaha farsamada.

La wadaag cid kale