Imaaraadka Carabta oo safiir cusub u soo magacawday Soomaaliya

La wadaag cid kale

Muqdisho-(SONNA)-Dowladda Imaaraatka Carabta ayaa usoo magacawday mudane, Axmed Jumca inuu noqdo safiirka u fadhin doona dalka Soomaaliya.

Safiir, Axmed Jumca ayaa ka mid ahaa dhowr safiir oo shalay ka hor dhaartay madaxweynaha dalkaas si ay gutaan howlaha cusub ee loo igmaday.

Madaxweynaha dalka Imaaraat-ka , Maxamed Bin Zayed ayaa u rajeeyay safiirka cusub inuu Ilaah la garab galo shaqadiisa cusub, isagoo kula dardaarmay inuu ka shaqeeyo xoojinta xiriirka ka dhaxeeya labada dowladood ee Imaaratka iyo Soomaaliya.

La wadaag cid kale