Howlgal qorsheysan oo lagu dilay horjooge sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab

La wadaag cid kale

Muqdisho.(SONNA):- Howlgal qorsheysan oo gelinkii dambe ee shalay ka dhacay Deegaanka Shurufle ee bariga gobolka Galgaduud ayaa lagu dilay horjooge sare oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Al shabaab.

Horjoogahan ayaa magaciisa lagu sheegay Faarax Cali Warsame oo Afgarashadiisu ahayd (Sigane), wuxuuna ahaa horjoogihii aragagixisada Shabaab u qaabilsanaa deegaanada Cadakibir,Warshubo iyo Qaayib oo dhammaan ka tirsan Bariga Gobolka Galguduud.

Horjoogahaan ayaa si dhuumaalaysi ah ku yimid deegaanka Shurufle sida ay inoo xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Galmudug, waxaana howlgalkaas fuliyay Xubno ka tirsan sirdoonka Qaranka Soomaliyeed.

La wadaag cid kale