Howlaha hortabinta leh ee horyaalla wasaaradda Bay’ada iyo Isbedelka Cimilada

La wadaag cid kale

Muqdisho(SONNA)Ra’iisul Wasaaraha xukuumada federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa 2-dii August shaaciyey liiska golaha wasiirada ee xukuumaddiisa oo uu ugu magac daray“Xukuumadda Dan Qaran”, waxaana ka soo muuqday Liiska golaha wasiirada, wasiirka wasaaradda wasaaradda Bay’adda iyo isbedelka Cimilada.
Wasaaraddaan oo ah mid cusub ayaa horey waxay u aheed waax hoostagta xafiiska ra’isal wasaaraha.
Xildhibaan Khadija Mohamed Al-makhzoumi ayaa loo magacaabay wasiirka wasaaradda Bay’adda iyo isbedelka Cimilada iyada oo xilka si rasmi kala wareegtay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenkii hore Mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo Waaxda Bii’adu ay hoos tagi jirtay xafiiskiisa.
Khadija Al-makhzoumi oo ka hadashay munaasabadda xilwareejinta ayaa tiir “Waxaan la wareegay Wasaarada Degaanka, Isbadalka Cimilada, Maareynta Musiiboyinka, iyo Dhirta. Haduu Eebe idmo Waxaan ka shaqeyn doonnaa in aan hormarino arimaha Deegaanka (Environment) iyo Diyaarinta shuruucda Degaanka iyo Isbadalka Cimilada.”

Haddaba waa maxay howlaha hortabinta leh ee horyaalla wasaaraddaan?
Xeel-dheerayaasha daraaseeya arrimaha Deegaanka iyo Isbedelka Cumiladda oo ku mideysan Madasha Deegaanka Somaaliyeed ayaa dhawaan qabtay kulan ay kaga arrinsayeen doorka laga filayo Wasaaradda Bay’adda iyo isbedelka cimiladda.
Khuburada ayaa isku raacay inay muhiim tahay in la dhisay wasaaradda Bay’adda iyo Isbedelka Cimiladda, waxaana aqoonyahanada iyo qubarada arrimaha Deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ay hoosta ka xariiqeen in wakhti wanaagsan ay kusoo aaday yagleelida Wasaaraddan cusub ee Bay’adda iyo Isbedelka Cimiladda.

Wasaaradda Bay’adda iyo Isbeddelka Cimilada waxaa ay mas’uul ka tahay ilaalinta iyo maareynta kheyraadka biyaha, dhulka, hawada iyo nolosha Aadanah,waxay hoggaamisaa shaqada u-diyaargarowga iyo la qabsiga cimilada waxayna horseedaa qorshayaal lagu hagayo yoolalka dhimista iyo ilaalinta wasaqoobida howda.

Isbeddelka cimiladu waxa uu noqday mid ka mid ah caqabadaha adduunka ee qarnigan oo saamayn xun ku yeeshay inta badan saameeya dalalka soo koraya oo ay Soomaaliya ka mid tahay,si ay Soomaaliya u hesho horumar dhaqan-dhaqaale oo waara oo adag, waxaa jira baahi loo qabo maareynta Isbedelka Cimilada,sida ku xusan Siyaasadda Qaran ee Isbeddelka Cimilada ee Soomaaliya,Cimiladu waxaa ay saamaysay wax soo saarka cuntada,biyaha,kheyraadka,caafimaadka dadka, iyo Aagga xeebaha,Sida ay saadaalisay  dowladda Soomaaliya waxaa laga yaabaa inay wajahdo khatar weyn oo la xeriirta isbeddellada cimilada oo ku timaadda Xoolaha, biyaha iyo kaymaha.

Siyaasadda Qaran ee Isbeddelka Cimilada ee Soomaaliya ayaa muhiim u ah la qabsiga iyo yaraynta xaaladda dalka,Soomaaliya waxay aqoonsan tahay in isbeddelka cimilada ay tahay in wax laga qabto.

Sida ku xusan Siyaasadda Qaran ee Isbeddelka Cimilada ee Soomaaliya, dowlada Federaalka ee Soomaaliya waxay kaga jawaabaysaa isbeddelka cimilada:-

(i) Kor u qaadida wacyiga bulshada, jawaab celin deg deg ah oo qeexan oo waxtar u leh caqabadaha iyo fursadahaas la socda isbeddelka cimilada.

(ii) Bixinta qaab-dhismeedka hagi doona aasaaska iyo hawlgelinta waxqabadka
iyo qorsha hawleed.

(iii) Ilaalinta badqabka iyo caafimaadka muwaadiniinta, xoojinta adkeysiga iyo hirgelinta awoodda la qabsiga kala duwanaanshaha cimilada.

22 Sebtember 2020, Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa si rasmi ah u daah-furtay barnaamij loogu tala galay in lagu xoojiyo qorshaha la qabsiga isbeddelka cimilada kaas oo ay ku baxaysay qarash gaaraayo $2.7 milyan.

WQ: Mohamed Ibrahim Salat.

La wadaag cid kale