Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Baarlamaanka dalka oo gargaar gaarsiisay Puntland

La wadaag cid kale

Muqdisho (SONNA)-Guddoomiye ku-xigeenka 1-Aad ee Golaha Shacabka BJFS Marwo Sacdiya Yaasin Samatar oo galinkii dambe ee maanta gaartay magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland ayaa waxaa halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyay Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Puntland.

Waxaa Garoonka Magalada Garoowe ku Soo Dhaweyey Qaybaha kala duwan ee Maamulka Gobalka Nugaal, Wasiir Ku-xigeenka Gargaarka Puntland, Xildhibaano ka tirsan Golaha shacabka BJFS iyo Mas’uliyiin Kale.

Guddomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Golaha shacabka ayaa Deeq Gargaar ah Gaarsiisay Maamul gobaleedka Puntland si abaarta daran ee Gobolada Puntalnd ka jirta gurmad loogu fidiyo.

Guddoomiye Ku-xigeenka Golaha Shacabka BJFS ayaa sheegtay inaysan ahayn Deeqdii ugu dambeysay, balse si dadka liita loogu gurmado ay deeqdan ugu soo hormariyeen shacabka Puntland.

         

La wadaag cid kale