Guddoomiyaha gudidda hirgelinta doorashooyinka oo gaaray magaalada Kismaayo+Sawirro

La wadaag cid kale

Moqdisho(SONNA):-Xubno kamida Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (GHDHF) oo uu hoggaaminaayo guddoomiyaha GHDHF mudane Maxamed Xasan Cirro ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee dowlad goboleedka Jubaland.

Guddoomiyaha guddiga hirgalinta doorashooyinka heer Dowlad Goboleed SEIT Jubbaland Dr Siyaad Mursal Maxamed iyo xubnaha kale ee guddiga ayaa si diirran garoonka diyaaraha ee magaalada Kismaayo ugu dhaweeyay guddoomiye Maxamed Xasan Maxamed ( Cirro) iyo waftigii uu hoggaaminayay.

Waftiga FEIT ayaa Kismaayo u yimid arrimo la xiriira dardargalinta qabsoomidda doorashada xildhibaanada Aqalka sare ee maalmaha soo socda ka dhici doona Jubbaland.

La wadaag cid kale