Guddoomiyaha Golaha shacabka oo qaabilay safiirka Norway ee Soomaaliya

La wadaag cid kale

Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa maanta hoygiisa kulan kula qaatay danjiraha dalka Norway, Amb. Haakon Svane.

Safiirka dalka Norway ayaa Gudoomiyaha Golaha Shacabka lawadaagay sii amba-qaadida taageerada dhanka sharciga oo dowladda Norwey horay u siin jirtay Baarlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya.

Kulankan maanta ay yeesheen mas’uuliyiinta oo daba socday kulan hore ayaa lagu soo hadal qaaday Awoodsiinta Haweenka Soomaaliyeed kuwooda ku jira siyaasada.

Guddoomiyaha ayaa bogaadiyey shacabka iyo dowladda Norweyn oo taageera buuxda ay la garab taagan yihiin Shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed waxaana uu sheegay in ay iska kaashan doonaan wada shaqeeynta Baarlamaanada labada dal.

La wadaag cid kale