Guddoomiyaha golaha shacabka oo kulan la yeeshay safiirka dowladda Jabuuti ee Soomaaliya

La wadaag cid kale

Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa maanta gelinkii dambe gurigiisa ku qaabiley danjiraha dalka aan walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti Amb. Maxamed Rashiid.

Safiirka ayaa Guddoomiyaha ugu yimid salaan isagoo la wadaagey xariirka walaltinimo ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti iyo sidii ay uwada shaqeyn lahaayeen labada Baarlamaan ee Labada Dal.

Dhanka kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Madoobe oo uga mahadceliyey booqashada danjiraha ayaa ku amaanay xirirka walaaltino ee labada dal  iskaashiga iyo  wax-wada qabsiga shacabka iyo dowladba.

         

La wadaag cid kale