Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo guddoomiyay shir looga hadlayay xal u helida biyo fariisadka “SAWIRRO”

La wadaag cid kale

MUQDISHO-(SONNA)-Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay qaar kamid ah ganacsatada iyo dadka deegaanka laanta Xaawo Taako ee degmada Howlwadaag.

Kulanka ayaa yimid kaddib cabasho ka timid ganacsatada iyo dadka deegaanka oo la xiriirtay in xal loo helo biyaha fariista iskuulka Xamar jadiid ee degmada Howlwadaag.

Guddoomiyaha gobolka ayaa ganacsatada ka dhageystay warbixino la xiriira dhibaatada lagu qabo biyo fariisadka, waxaana lagu ballamay in kulamo kale la iskugu yimado si wax looga qabto arrintaan.

Kulanka waxa goobjoog ka ahaa Guddomiye ku Xigeenada Maamulka Gobolka Banaadir, Xoghayaha Guud ee Gobolka iyo Guddoomiyaha Degmada HowlWadaag.

 

La wadaag cid kale