Guddoomiyaha cusub ee degmada Cadaado oo xilka la wareegay

La wadaag cid kale

Muqdisho (SONNA)-Munaasabad ey goobjoog ka ahayeen Wasiiro ka tirsan Galmudug, taliska booliska Cadaado, Guddoomiyaha degmada Baxdo, Golaha degaanka Degmada Cadaado, qaar katirsan golaha degaanka degmada Galkacyo, Maamulka cusub iyo maamulkii hore ee xilka wareejiyay oo ka dhacday Xarunta degmada Cadaado ayuu Wasiirka arrimaha gudaha Galmudug xilalka ugu kala wareejiyay Gadduumiyaha cusub Faarax Diiriye iyo guddoomiyihii hore Cabdullahi Cabdiraxmaan Tootole.

Inta ay socotay xafladaan xilwareejinta ah ayuu Xoghayaha Degmada Cadaado waxuu akhriyay qoraal lagu soo koobay shaqaalaha degmada Cadaado qalabka degmada iyo dhulalka danta guud intaas kadibna guddoomiyihii hore ee Cadaado Cabdulahi Cabdirahman Tootole ayaa si rasmi ah xafiiska degmada ugu wareejiyay Maamulka cusub.

Faarax Diiriye Warsame guddoomiyaha cusub ee Degmada Cadaado ayaa dhankiisa uga mahad celiyay guddoomiyihii hore sidaa qurxoon oo uu ugu wareejiyay shaqada.

La wadaag cid kale