Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Guddiga Wadajirka ah ee Soomaaliya iyo Qatar oo Kalfadhigoodii Koowaad ku yeeshay Doha
    December 8, 2025
    Ra’iisulwasaaraha XFS ka qeyb galay munaasabad lagu xusayay Maalinta Qarannimada dalka Qatar oo lagu qabtay Muqdisho
    December 8, 2025
    Qaar ka mid ah ururrada siyaasadda dalka oo maanta soo gudbiyey liiska murashaxiintooda
    December 8, 2025
    Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS Mudane Saalax: “Bulshada Rayidka ah waa lafdhabarta Dowlad-dhiska Dalka.”
    December 8, 2025
    Wasiirro ka tirsan XFS oo kormeer ku tegay goobaha laga bixinayo kaararka doorashada ee degmada Hodan
    December 8, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
    Shacabka Magaalada New York oo doortay duqii ugu horeeyay oo muslim ah
    November 5, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
    Taariikh nololeedkii: AUN Marxuum Cali Hagarey ( Warbixin)
    December 7, 2025
    Macallinka waa barbaariyaha iyo hagaha Bulshada
    November 22, 2025
    Bixinta Kaararka Doorashada Golaha Deegaanka oo Ka Bilaabatay Muqdisho
    November 16, 2025
    Soomaaliya iyo Aljeeriya oo xoojinaya xiriirkooda
    November 11, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Faahfaahiyay Horumarka Geeddi-socodka Doorashada Degmooyinka Banaadir
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Faahfaahiyay Horumarka Geeddi-socodka Doorashada Degmooyinka Banaadir

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Faahfaahiyay Horumarka Geeddi-socodka Doorashada Degmooyinka Banaadir

By Cumar
Last updated: December 9, 2025
2 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA):-  Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS), Mudane Cabdikariim Axmed Xasan, ayaa maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta dhexe ee Guddiga, isaga oo faahfaahin ka bixiyay xaaladda guud ee howlaha doorashooyinka iyo horumarka laga gaaray wajiyada muhiimka ah ee geeddi-socodka doorashada.

Guddoomiyaha oo hadalka ku billaabay warbixin ku saabsan hawlaha farsamo iyo kuwa habraac ee doorashada, ayaa hoosta ka xariiqay in Guddigu si buuxda u gudanayo waajibaadka uu u xil-saaray Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Shuruucda Doorashooyinka Qaranka, waxaana uu xusay in hawlaha diyaar-garowga ee doorashada degmooyinka Banaadir ay si hufan u socdaan, isla markaana Guddigu ku shaqeynayo jadwalkii doorashada ee uu hore u iclaamiyay.

Mudane Cabdikariim Axmed Xasan waxaa uu sidoo kale shaaciyay in 12 urur siyaasadeed ay si dhameystiran u soo gudbiyeen liiskooda , halka qaar kale ay soo gudbiyeen qeyb kamid ah liiska  musharaxiintooda u tartamaya doorashada goleyaasha deegaanka ee Gobolka Banaadir.

Ururada Siyaasadda ee soo gudbiyay liiska ayaa kala ah:

1.      Ramaas
2.      Karaama
3.      Towfiiq
4.      Saab
5.      Madalsan
6.      Cadaaladda & Wadajirka
7.      Horumar & Midnimo Qaran
8.      Muwaadiniinta Soomaaliyeed
9.      Midnimada Shacabka
10.   Qaranka Dimuquraadiga ah
11.   Qiimo Qaran
12.   Dowlad Wanaaga Soomaaliyeed

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in soo gudbinta liiska musharaxiinta ay muujinayso diyaar-garow heer sare ah oo ka jira dhanka Ururada siyaasadda, isaga oo ku boorriyey ururada aan weli soo gudbin liiskooda inay ka faa’iidaystaan fursadaha sharcigu u oggol yahay ee ku saabsan gudbinta liisaska iyo dhammeystirka shuruudaha tartanka.

Ugu dambayn, Guddoomiye Cabdikariim Axmed Xasan ayaa ugu baaqay dhammaan daneeyeyaasha doorashooyinka Ururada siyaasadda, bulshada rayidka ah, dhallinyarada, haweenka iyo maamulka degmooyinka in si wadajir ah loola shaqeeyo Guddiga si loo xaqiijiyo doorasho xor ah, hufan, nabdoon oo waafaqsan sharciga.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Faahfaahiyay Horumarka Geeddi-socodka Doorashada Degmooyinka Banaadir

Muqdisho (SONNA):-  Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS), Mudane Cabdikariim Axmed Xasan,…

December 9, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiir Maareeye ”Waxaan Qudaar iyo 10-kun oo Dollar soo gaarsiinay dadkii ku dhaawacmey weerarkii khawaarijta ee Liido”.

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareey) oo kormeer ku tagay isbitaalka Erdogan (Ex Digfeer) oo ay…

GudahaWararka
August 11, 2024

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐢𝐢 𝐗𝐢𝐥𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐮’𝐠𝐚 𝐞𝐞 𝐈𝐌𝐅 𝐢𝐲𝐨 𝐁ankiga 𝐀𝐝𝐝𝐮𝐮𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐬𝐨𝐨 𝐆𝐚𝐛𝐚-𝐆𝐚𝐛𝐨𝐨𝐛𝐚𝐲.

Washington(SONNA);-Waxaa magaalada Washington DC si guul ah ugu soo gabagaboobay shirkii sadanlaha ahaa ee xiliga (Gu’ga) ee IMF iyo Bangiga…

GudahaWararka
April 27, 2025

Sagaal qof oo ku dhintay mudaaharaadyo ruxay Dalka Senegal

Ugu yaraan sagaal qof ayaa lagu dilay dalka Senegal isku dhacyo dhexmaray booliska rabshadaha ka hortaga iyo taageerayaasha hoggaamiyaha mucaaradka…

Caalamka
June 2, 2023

Ciidamada xoogga dalka oo howlgallo ka wada deegaanno ku dhow Baardheere

Muqdisho (SONNA)-Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan Degmada Baardheere ayaa bilaabay howlgal ballaaran oo ay Al-Shabaab kaga saarayaan deegaanno…

Wararka
November 30, 2019

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023