Golaha shacabka oo beri oo codka kalsoonida u qaadaya wasiirada magacaaban

La wadaag cid kale

Muqdisho.(SONNA):- Guddoonka golaha Shacabka ee Baarlamanaka Jamhuuriyadda Federaalka ayaa shaaciyay maalinta berri oo Axad ah inuu jiro Kulanka Golaha Shacabka ee cod u qaadista kalsooni siinta golaha Wasiirada magacaaban iyo Barnaamijka Xukuumadda, si dalku u yeesho Xukuumad Sharciyad buuxda u haysata howlaha fulinta.

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in golaha wasiirada ee uu soo dhisay uu ku soo xulay aqoon, karti iyo waayo aragnimo, isagoo xildhibaanada golaha shacabka si xushmad iyo qadarin leh uga codsaday in ay ansixiyaan golaha si ay u gutaan waajibaadka qaran ee loo igmaday.

La wadaag cid kale