Garsoorayaal Soomaaliyeed oo u amba-baxay dalka Tanzaaniya si ay u dhex-dhexaadinayaan ciyaar ka dhaceysa dalkaas

La wadaag cid kale

Muqdisho,(SONNA):- Garsoorayal Soomaaliyeed ayaa u amba-baxay dalka Tanzaaniya si ay u dhex- dhaxaadiyaan ciyaar ka tirsan is reeb reeka Chan Cup oo ka dhici doono dalkaas.

Kooxo ka soo kala jeeda wadamada South Sudan iyo Itoobiya ayaa maalinta khamiista oo ku began 28/7/2022 isku arki doona ciyaar kubadda cagta ah oo uu dhex-dhexaadin doono garsoore Xasan Maxamed Xaaji, waxaana caawihiisa koowaad iyo labaadba noqon doona Xamse Xaaji Cabdi iyo Suleymaan Bashiir Sheikh Cali.

La wadaag cid kale