faransiiska oo baadhaya weerarka dhacay meel u dhow caasimada dalkaas ee Paris

La wadaag cid kale

Paris.(SONNA):- Booliiska Faransiiska ayaa baaritaan ku wada weerar ay ku sheegeen weerar argagixiso kaddib markii Gabadh booliis ah tooray lagu diley meel ka baxsan magaalada Paris.

Weerarkan ayaa ka dhacay meel  60km kaga began koonfurta galbeed ee caasimada Dalka Faransiiska waxaana gabadhan oo ahayd 49-jir lagu diley goob aan ka fogeyn saldhig Booliis.

Booliska ayaa dhinaca kale toogtay nin 36jir ahaa oo asal ahaan kasoo jeeday dalka Tunisia oo lagu tuhunsanaa inuu weerarkan geystay.

Raysal wasaraaha Faransiiska iyo wasiirka arrimaha guddaha ayaa labadu ba booqday saldhiga gabadha lagu ag dilay si ay xaaladda u soo indho indheeyaan taageero na ugu muujiyaan ciidanka Booliska ee weerarka loo geystay.

La wadaag cid kale