Duqa Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socda hay’adda caafimaadka Adduunka+Sawirro

La wadaag cid kale

Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi sare oo ka socday hey’adda Caafimaadka aduunka ee WHO iyo Hey’adda UNICEF oo uu hogaaminayay Madaxa hey’adda u qaabilsan Barig iyo Bartamaha Afric Mr; Xasan Qumural.

Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Filish iyo madaxda Hey’adda WHO ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa horumarinta  adeegyada Caafimaadka gobolka Banaadir oo haatan ay si buuxda ula wareegtay Dowlada hoose ee Xamar.

Kulanka ayaa waxaa  joog ka ahaa Agaasimaha waaxda Caafimaadka ee gobolka Banaadir iyo Agaasimaha guud ee arrimaha bulshada maamulka gobolka Banaadir.

La wadaag cid kale