Duqa Muqdisho oo kormeeray waddooyin laga cilad bixinayay leerarka cadceedda ku shaqeeya “SAWIRRO”

La wadaag cid kale

Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar filish) ayaa kormeeray qaar ka mid ah Waddooyinka magaalada Muqdisho oo ay ku socdaan dayactir lagu sameynayo Leerarka ku shaqeeya cadceedda si loogu qaado Bilicda Caasimadda ee Muqdisho.

Duqa Muqdisho ayaa bogaadiyay howlwadeenada arrimahan ku howlan, waxaana uu kula dar daarmay inay sare u qaadaan dib u soo celinta bilicdii caasimadda, isla markaana ay dib u habeyn ugu sameeyaan leerarka cadceedda ku shaqeeya ee u baahan cilad bixinta.

La wadaag cid kale