Duqa Casimadda oo kulan la qaatay wasiirka Diinta iyo Hey’addaha ka shaqeeya qeybinta Udxiyada “SAWIRRO”

La wadaag cid kale

Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay markii labaad Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Hey’addaha ka shaqeeya qeybinta Udxiyada, Maadaama ee nagu soo food leedahay Ciidda Carafo, isla markaana la doonayo in bulshada si hufan loo gaarsiiyo Udxiyada.

Kulnka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo maareyn lahaa qeybinta Udxiyada, isla markaana loo gaarsiin lahaa dadka tabaaleysan ee u baahan Udxiyada.

Waxaa sanad kasto la bixiyaa markii la gaaro Ciida Carafo Udxiyada loogu talagalay inay ku qataan maalmaha farxadda Ciida Awgeed shacabka Soomaaliyeed.

 

La wadaag cid kale