Dowladda Turkiga oo cambaareysay falkii argagixisanimo oo maanta ka dhacay Muqdisho

La wadaag cid kale

Muqdisho-(SONNA)-dowladda Turkiga ayaa cambaareysay falkii argagixisanimo ee maanta lala beegsaday dhallinyaro dooneysay inay ka mid noqdaan Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Waxaan si adag u cambaareyneynaa weerarkii argagixiso ee bahalnimada ahaa ee lala beegsaday dhallinyaro dooneysay inay ka mid noqdaan ciidanka Soomaaliyeed maanta oo 15-ka June ee ka dhacay magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ku naf waayeen 11-arday oo loo tababarayey ciidannimo.

Waxaan tacsi tiiraanyo leh u direynaa, dowladda Soomaaliya oo aan walaalaha nahay iyo saaxiibadda aynu nahay iyo shacabkeeda soomaaliyeedba. waxaana Alla uga baryeynaa naxariis intii kuwii ku naf waayey, sidoo kalena caafimaad degdeg ah intii ku dhaawacantay.

dowladda Turkigu waxaa ay sii wadi doontaa sida ay uga go’an tahay garab istaaga dowladda Soomaaliyeed iyo dadkeedaba arrinta ku aadan dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

La wadaag cid kale