Shil diyaaradeed oo ka dhacay Xudur

La wadaag cid kale

Xudur(SONNA):-Shil Diyaarad nooceedu yahay  “Helicopter” taas oo ay Leeyihiin Ciidamada Milatariga Etoobiya ee Nabad ilaalinta u jooga Soomaliya ayaa kusoo dhacday Garoonka diyaaradaha Dagmada Xudur ee Gobalka Bakool.

Wariyaha warbaahinta Qaranka uga soo warama Bakool Maxamed Xasan Cabdiraxmaan ayaa kusoo warmaya in uu shilkan ka dhacay garoonka diyaaradah ee magaalada Xudur,iyadoo saraakiisha ciidamada AMISOM aysan weli wax faahfaahin ah ka bixin khasaaraha ka dhashay shilkan.

La wadaag cid kale