Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay waqooyiga Filibiin

La wadaag cid kale

Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhintay, 60 kalena waaxaa soo gaaray dhaawacyo,kadib, dhulgariir xooggan oo ka dhacay waqooyiga Filibiin, sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha ee dalkaasi.

Dhulgariirkaan ayaa ku dhuftay gobolka buuraleyda ah jasiiradda ugu weyn dalka uguna dadka badan, kaas oo sababay dhul go’yo yar yar iyo burburka guryo badan.

Dhulgariirkaan ayaa cabirkiisa lagu sheegay 7.1,waana kii ugu xoogganaa ee ka dhaca Filibiin muddo sannado ah.

Deegaanada Abra,Strawberry iyo kuwo kale oo ka tirsan gobolka Benguet, ayaa ah kuwa ugu daran meelaha uu ku dhuftay dhulgariirkaasi

Shaqaalaha samofalka ayaa wada gurmad lagu samata bicinayo dadka ku jira dhismooyinka burburay.

La wadaag cid kale