Dhul-Gariir ay dad badan ku dhinteen oo ka dhacay Afgaanistaan

La wadaag cid kale

Ugu yaraan 155 qof ayaa ku dhimatay in ka badan 200 oo kalena waa ay ku dhaawacmeen ka dib markii dhulgariir xooggan uu ku dhuftay koonfur bari ee Afgaanistaan, sida laga soo xigtay maamulka masiibooyinka ee dalka Afgaanistaan.

Gobolada Khost iyo Nangarhar, ayaa ugu badan meelaha uu Dhul-gariirka sida aadka ah u sameeyay, wararka ayaa intaa ku daraya in ay socdaan baaritaanno lagu ogaanayo jiritaanka khasaare intaas ka badan.

La wadaag cid kale