Danjiraha Soomaaliya ee dalka Shiinaha oo saxiixay heshiis Talaal covid-19 lagu gaynayo Dalka Soomaaliya.

La wadaag cid kale

Danjire Cawaale Cali Kulane Safiirka jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya dalka Shiinaha ayaa  hishiis ku aadan hilida talaalka ka hortaga cudurka aduunka Aafeeyey ee COVID-19  la galay shirkadda Sinopharm ee dalka Shiinaha.
Talaalkan looga hortagayo Karoonaha ayaa waxa uu gaaraya 200 kun oo talaal oo dhawaan la gayn doono dalkeena Soomaaliya.

Safiirka jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya dalka Shiinaha ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin in talaalkan ay dowladda aan saaxiibada nahay ee Shiinaha dalkeena ugu deeqdo.

Lataliyaha koowaad safaarada Soomaaliya ee dalka Shiinaha Saciid Jaamac Mire ayaa isnaa  uga mahadnaqay dowladda shiinaha sida hagar la’aanta ah ay u garab taagan yihiin dowladda Soomaaliya, isagoo si gaarana uga mahadnaqay talaalka ay Soomaaliya ugu deeqday.

Arrinkan ayaa imaanaya kadib markii dowlaha caalamka ay bilaabeen in ay dadkooda ka talaalaan cudurka COVID-19 oo aduunka dhan dhibaato ku haaya.

La wadaag cid kale