Dad ku waxyelloobay shil Tareen oo ka dhacay Iiraan

La wadaag cid kale

Telefeshinka ku hadla Afka Dowladda Iiraan ayaa sheegay in 10 qof ay  dhinteen, ku dhawaad ​​50 kalena ay ku dhaawacmeen Shil Tareen oo aroornimadii hore ee saaka oo Arbaco ah, ka dhacay bariga dalkaasi Iiraan.

Wararka ayaa intaas ku daray in khasaarahan uu ka dhashay Saddex tareen oo jidkoodi ka leexday inta u dhaxaysa magaalooyinka Mashhad iyo Yasdi ee bariga dalkaas Iiraan.

 

La wadaag cid kale